Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamadda AMISOM ee Soomaaliya.
Yariisow ayaa sheegay in Taliyaha ay u sheegeen in aysan aqbali doonin leynta shacabka,islamarkaana Taliska AMISOM loogu baahan yahay in baaris ku sameeyaan dhacadadii shalay ka dhacday Degmadda Heliwaa.
“Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, una sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto. Waxaana ka dalbaday inuu baaris dhab ah ka sameeyo, waxuuna ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday”, ayaa yiri Gudoomiyaha Gobolka banaadir Yariisow.
Ciidamadda AMISOM ayaa shalay si bareer ah waxa ay u toogteen afar ruux oo shacab ahaa kadib markii qarax Miino lagula eegtay isgoyska Ex-kontorool Balcad ee Woqooyiga Magaaladda Muqdisho.

