Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd toogasho ka geystay gudaha suuqa bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay meel ku dhow Shirkadda Xawaaladda Tawakal ee wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal ragg ku hubeysnaa bastooladdo ayaa fuliyay dilka ninka xiligii salaadii casir kadib.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninka la dilay uu kamid ahaa madaxda shirkadda isgaarsiinta HORMUUD, balse lama helin magaciisa.
- Wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

