Ciidamada Dowladda ayaa Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku qabtay Hub iyo Rasaas loo daabulayey Gobalka Shabeelaha Hoose sida ay xaqiijinayso Xog ay heshay Idaacada Simba.
Hubkaan waxaa loo waday garabka mid ah Maleeshiyaadka ku dagaalamay Degmada Walaweyn ee Gobalka shabeelaha Hoose,waxaana Waday Gudoomiyaha Degmada Walaweyn ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax (kaladire) oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle balse deegaan ahaan ka soo jeeda Degmada Walaweyn ayaa Idaacada Simba u Xaqiijiyey inay Ciidamada Amniga ay goordhow ka hortageen Hubkaas oo loo waday midka mid ah Maleeshiya Beeleedka ku ku Dagaalamay Degmadaas.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Gudoomiye Degmada Walaweyn uu yahay Shaqsiga kaliya hurinayaa Colaad beeleedka Magaaladaasi ka jirta waxaana Xusay inay Dacwadiisa ay gudbiyeen Maamulka Koofur Galbeed oo Degmada Walaweyn Maamula, waxaana uu ku baaqay in Tilaabo laga qaado cid walba oo ku lug leh iska horkeena Bulshada Walaalaha ah.
Hooska Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Kaladire

