Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray magaalada Jubba ee caasimadda Koofurta Suudaan ayaa ka qayb galay munaasabad loogu dabbaaldegayo heshiiska nabadeed ee dalkaas oo Madaxda IGAD ay garwadeen ka ahaayeen.
Madaxweyne Farmaajo oo kamid ahaa madaxdii markhaatiga ka ahaa heshiiskii nabadeed ee bishii September magaalada Addis Ababa ku dhexmaray dhinacyada Koofurta Suudaan ayaa xalay mar uu kulan la qaatay Soomaalida K/Suudaan ka hadlay khilaafka ka dhax aloolsan Dowladda dhexe Iyo Madaxda maamul gobaleedyada Soomaaliya.
Hogaamiye Farmaajo ayaa si kulul ugu jawaabay madaxda maamul gobaleedyada dalka, waxuuna ku sheegay iney wax ka qaban waayeen deegaanada gacanta ay ku hayaan, taasi badalkeeda ay ku mashquuleen siyaasadda arrimaha dibadda oo ah howl u taalla dowladda Soomaaliya sida uu yiri.
“Maamul goboleedka waxaa u soo haray in addeeggii ay gaarsiiyaan, haddii ay tahay waxbarasho, haddii ay tahay caafimaad, in dadka ay mas’uulka u yihiin ka warqabaan iyo haday tahay ceelal inay u sameeyaan iyo canshuuraha inay uruuriyaan, anigu waxaan ka hadlayaa nidaamka federaalka ah ee dunida ka jira waa noocaas” ayuu sii yiri Farmaajo.
Dhanka kale Madaxweynaya oo ku dheeraaday ka hadalka Khilaafka ka dhex tolan Dowladiisa iyo Madaxda maamul Gobaleedyada ayaa Yiri.
“Laakin maamul goboleedka haddii uu yiraahdo siyaasad arrimo dibadeed ayaan leeyahay oo gaar ah oo waxaan rabaa socodka inaan badiyo oo meelo badan tagtago, su’aasha taalla waxay tahay haddii aad la fariisato madaxweyne Salva Kiir adiga iyo Salva Kiir maxaa idin ka dhaxeeya?.maxaad kala saxiixan kartaan?..ileen adigu dowlad goboleed baad tahaye, marka haddii aad soo raadsato Salva Kiir iyo madaxweynayaasha gobolka ama Ra’iisul wasaarayaasha waxaad muujineysaa dalkaaga inuu kala daadsan yahay, dalkaaga inuu fowdo yahay” ayuu ka yiri madal Jaaliyad Soomaali buuxday.
Warka kasoo Baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa cirka kusii shareeri kara Khilaafka xalka loo wayay ee ka dhax jira Dowlada & Madaxda Maamul gobaleedyada.

