Daawo Sawirro: Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Soo Hor Muuqday Heshiiska Koofurta Suudaan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koofurta Suudaan ayaa ka qayb galay munaasabad loogu dabbaaldegayo heshiiska nabadeed ee dalkaas oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay garwadeen ka ahaayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ahaa Madaxweynayaashii markhaatiga ka ahaa heshiiskii nabadeed ee bishii September magaalada Addis Ababa ku dhexmaray dhinacyada Koofurta Suudaan, kaas oo looga gol lahaa xal u helista khilaafkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyey munaasabadda loogu dabbaal degayo heshiiskii nabadeed ee la gaaray ayaa xusay dhibaatada dagaalka sokeeye, isaga oo si faahfaahsan uga sheekeeyey burburka Soomaaliya ka soo gaaray iyo sida ay haatan shacabka Soomaaliyeed uga soo kabanayaan.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan daris-wanaagga iyo in ay dadaal ku bixiso nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Madaxda dalka Koofurta Suudaan in ay ilaashadan heshiiskan nabadeed, kana shaqeeyaan sidii ay uga miradhalin lahaayeen himilooyinka shacabkooda.

DHAMMAAD

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here