Kadib safarkiisii ugu horeeyey ee qorsheysnaa kaasoo uu Nicholas Hyssom ku tagay mid kamid ah maamul goboleedyadea dalka ayaa waxa uu wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia u baaqay soomaalida inay u wada shaqeyan si wada jir ah si ay xal ugu helaan dhibaatooyinkooda.
Wakiilka ayaa booqasho ku tagay magaalada Kismaayo oo ah caasimadda maamul goboleedka Jubbaland oo dhaco koofurta Somalia waxaana safarkiisa ku wehlinayey ergeyga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somalia Francisco Madeira.
“Waan ogahay in Somalia aysan aheyn Mogadishu, Mogadishu-na aysan aheyn Somalia – waxaa lagama maarmaan ii ah aniga inaan booqdo maamul goboleedyada si aan usoo arko shaqaalaheyga, iyo sida ay u n ool yihiin Somalida anigoo tagaya dalka oo dhan,” Mr. Haysom ayaa sidaas yiri.
“Waxaan sidoo kaIe halkaan u imaaday xaaladda adag ee xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe maamul goboleedyada dalka ka jira waxaana halkan igu wehlinaya Ambassador Francisco Madeira oo ka socda Midowga Africa sababta aan halkaan u imaanay ayaa ah inan dhiiri gelino dhamaan qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta Somalia si ay ugu shaqeeyaan si wadajir ah,” ayuu intaa ku daray kadib kulan si wadajir ah uu ula yeeshay Mr. Madeira iyo madaxweynaha Jubaland Ahmed Mohamed Islam Madobe.
“waxaan ku qanacsanahay in Somalia ay u baahan tahay in dhamaan dadkeedu u shaqeeyan si wadajir ah ayna helaan xalka ay si wadajir ah ugu shaqeyn karaan,” ayuu yiri Mr. Haysom
Kahor inta uusan jeedin hadalkaan, ayaa waxa ay wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Haysom iyo ergeyga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somalia Francisco Madeira ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay ay ka dhageesteen aragtidiisa ku aadan khilaafka ka dhex taagan dowladda Federal-ka Somalia iyo maamul goboleedyada.
“waxaan la yeelanay wadahal dheer oo ku aadan arrimaha Somalia tusaale ahaan khilaafka ka dhaxeeya dowladda Federal-ka Somalia iyo maamul goboleedyada. Waxaan la wadaagnay aragtideena iyo sida lagu xalin karo khilaafka. Waxaan sidoo u sheegnay in Somalia u baahantahay xal dhab ah oo joogeyn kara in la wajaho dhibatooyinka”.
Dhinaca kale madaxweynaha Jubbaland Ahmed Madoobe ayaa soo dhaweeyey wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Haysom waxa uuna xusay inuu hore uga soo shaqeeyey waddamada Afghanistan, Iraq iyo Sudan.
“waxa ay u aheed maalin wanaagsan shacabka Jubaland inuu nasoo booqdo wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Haysom,” madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intaa ku daray “isagu waxa uu aqoon ballaaran u leeyahay khilaafka iyo colaadda waxa uuna soo maray wadamo ay ka jiran dagaallo sida Somalia.”
Ugu dambeyn Ambassador Madeira oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in si toos ah loo dhageysto kuwa lugta leh khilafka ka jira Somalia.
“waxaan rabaa inaan u mahad celiyo mdaxweyne Axmed Madobesababtoo ah waxa uu si furfaran noogu sheegay fikraddiisa iyo dareenkiisa. “ayuu yiri Francisco Madeira waxa uuna hadalkiisa kusoo xiray in tani ay ka caawin doonto helidda xalka dhabta ah ee Somalia.

