Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dilal goordhaweyd ka dhacay Duleedka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Rag hubeysnaa oo ilaa haatan aan heybtooda la aqoonsan ayaa toogtay ilaa 5-ruux oo Seddex kamid ah ay ahaayeen Walaalo,kuwaasi oo kasoo baxay Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaana kusoo jeeday Magaaladda Muqdisho.
Wariyaha idaacadda Simba ee Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Bashka oo tagay goobta ayaa soo sheegaya in kooxo hubeysnaa ay dadkaan gaari raaxo ahaa kala dageyn,xili ay marayeen Deegaanka Lafoole islamarkaana ay mid mid u toogteen.
Ragii hubeysnaa ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta gaaray Ciidamada amaanka Dowladda Soomaaliya oo baaritaano sameynaya.
Ilaa haatan lama oga sababta ka dambeysay dilalka loo geystay dadkaan, xili mudooyinkii dambe ay soo hagaagaysay xaaladda amaan ee inta u dhaxeyso Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

