Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Dheer oo qiyaastii 62 KM dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Dhawaqa jugta culus ayaa si weyn loogu maqlay deegaanka, oo saldhig ay ku leeyihiin dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Saraakiil ka Tirsan Ciidamadda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Idaacadda Simba u sheegay in duqeyn lagu dilay dagaalyahano iyo Saraakiil ka tirsan Xarakadda Al-shabaab.
Deegaanka Ceel-dheer ayaa waxaa maalmahan kulamo ku lahaa qaar ka mid ah Madaxda Al-Shabaab, iyadoo shirarkoodana ay ka war heleen Dowladaha Saaxiibbada la ah Soomaaliya.
Dhanka kale degaankaan Ceel-Dheer ee Gobolka Hiiraan ayaa ah halka ay dagaalyahanadda Al-Shabaab gaystaan Xoolaha ay kasoo aruuriyaan dadka Shacabka ah ee ku nool Gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

