Waa maalintii labaad oo ay taariikhdu tahay 28-Oktoobar 2018, oo dood wadaaga ku saabsanaa Sare u qaadid tayada waxbarashada dugsiyadda ee lagu qabtay Gobolka Shabeelle Dhexe oo ay ka soo qaybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada Jowhar iyo deegaanada u dhaw dha ka qeybgalayaasha waxay ka kala socdeen Bahda waxbarshada, Macallimiinta, Waalidiinta iyo Shaqaalaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Waxaa lagu bilaabay Aayado Quraanka, ka dib waxaa bilowday bandhiga casharada
Cabdulle Saney Cumar ayaa ka hadlay in waagii hore uu jiri jiray Iskuulka ka hore (preschool) oo laba sanno ah, Koorsooyinka waa dillaaga waxbarashada, sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in la joojiyo, aragtiyo kala duwan ayaa laga soo jeediyey wxabarashada degmada Jowhar.
Iskuulo badan ayaa socdo, hadana waxaa jiro hoggaan la’aan dhinaca waxbarashada, sidaas waxaa yiri, Nimco Maxamed Axmed ayaa ka sheekeysay Iskuulka Buuraane.
Intaa kadib waxaa bilaabaatay doodii ku saabsaneed Sare u qaadid tayada waxbarashada dugsiyadda waxaan loo kala saaray ka qeybaglayaasha 3 kooxood koox kastana waxaa loo dhiibay su’aalo si ay jawaab uga soo bixiyaan waxayna u dhacday shaqo Kooxeedkii sidatan:-
Kooxda 1aad
Side sare loogu qaadi karaa tayada macallimiinta wax ka dhiga Dugsiyada hoose/Dhexe iyo Sare ee Deeganada Hirshabelle?
- In la baahi tiro macallinka si uusan uga fakarin gadaal sida: Guriga IWM
- In la helo xarumo lagu tababaro macallimiinta sida Xaruntii Xalane , Machadkii Macallimiinta Kulliyadda Lafoole.
- In uu leeyahay taqasus maaddo
- In lagu kormeero waxbarashadiisa si tayadiisa waxbarasho u kororto.
- In lagu abaal mariyo macallinka waxqabadkiisa waxbarasho.
Kooxda 2aad:
Sidee lagu horumarin karaa maamulka iyo maareynta dugsiyada hoose,Dhexe iyo Sare ee deeganada Hirshabelle?
- In la helo guddoon waxbarasho heer gobol iyo heer degmo.
- In la helo kormeer waxbarasho oo joogto ah, aqoon iyo khibrad u leh howsha macallimiintana dabagal ku sameeyo.
- Waa in Maamulka waxbarasho ee dugsiyada ay imtixaan ku yimaadaan ,Islamarkaana lahaadaan khibrad aqoon maamul.
- Ku xigeenada iskuulada waa inay ku yimaadaan aqoon iyo waayo aragnimo.
- Waa inuu jiraa waajibaad qoran ee maamulka dugsiga.
- Waa inay jirtaa Wada shaqeyn joogta ah oo ka dhaxeyso maamulka dugsiga, islamarkaana shaqooyinkooduna ay kala cad yihiin.
Kooxda 3aad. Su;aal 1aad
Sidee lagu heli karaa warbixino sax ah eek u saabsan dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee deegaanada Hirshabelle?
- In lagu sameeyo kormeer joogto ah ee guddiga waxbarashada ee deeganada ku sameeyaan goobaha waxbarashada si ay u ogaadaan habsami u socodka manhajka waxbarashada loo qoondeeyay si loo helo arday tayo leh, akhlaaqna leh.
- In la helo xog iyo nidaam ka tarjumaayo xaqiiqda iyo dhammeystirka saacadaha la joogo dugsiyada.
- Xirriirka maamulka iyo macallimiinta iyo guddiga waalidka noqodo mid caddaalad ah.
- In laga sheego xaqiiqda jirta oo aan aheyn mid laablakac ah iyo aragti aan fulin laheyn.
Suaal 2aad: Sidee lagu mideyn karaa imtixaanadda Dugsiyada Dhexe ee Dalka? (Fasalka 8aad)
- in la helo manhaj mideysan
- Haddii la helo maamul mideysan iyo tiro koob sax ah waxaa fududaanaayo in la helo goobaha waxbarasho iyo mideyn imtixaaneed.
- In la helo barayaal khibrad leh dejinta imtixaanka si uu u qanco arday waliba kuna farxo natiijadiisa.
Ugu dambeyntii, waxaa ka hadlay Cabdulle Saney Omar oo Agaasimaha Waxabarshada shirkadda Farjano kaaso marka hore Alle u mahad celiyey, dabadeed hay’adda EFASOM iyo Kasoo qeyb galayaasha dhammaan, casharadii iyo dooddii labada maalmood waxaan ka kororsanay wax yaabo badan, marka waxaa lagama maarmaan ah in aan aad uga shaqeyno tayeynta waxbarashada, waxbarashada biyo deys bay leedahay in kastoo wax badan la qabtay, sideedaba waa in laga joojiyaa koorsada meel waliba oo soomaaliya ka mida sidaa darteed waa in muqarar loogu talo talo galay sagaal bilood laguma dhammeyn karo 2 bilood. Sidaas darteed waa in aan ka fakarnaa, ardaygii wuxuu galayaa Jaamacadda isagoo aan dhisneyn.
Xisadaha waa inay noqdaan 45 daqiiqo, maalmaha waxbarashada waa inay noqdaan 6 maalmood laga bilaabo Sabti ilaa Khamiis, ugu dambeyn wuxuu u mahad celiyey kasoo qeyb galayaasha
Dabadeed, waxaa ka hadlay Ruqiyo Muse Sheekh Xasan, waxay mahadcelisay hay’adda EFASOM iyo kasoo qeybgalayaasha.
Aniga waxaan ka tirsanahay macalliimiinta Go to school, waxaana ahay maamule ku xigeenka Iskuulka Sheikh Hussein Adde, qeybta go to school.
Waxaan ka codsnayaa in hay’adda EFASOM ay kordhiso siminaarada sidaan oo kale.
Talo soo jeedin
- In aqoon is weydaarsiga la badiyo
- In la gaarsiiyo tababarada deeganada Hirshabelle.
- In macallimiinta Goobo kale duwan lagu soo tababaro.
- In maalmaha tababarka la kordhiyo.
- In waalidiinta dugsiyada la siiyo tababaro ku saabsan dhinac waxbarshada si ay ugu dadaalaan carruurtooda.







