Maamulka Shabeelaha Hoose oo Ka Hadalay Dagaalkii Degmada Wanlaweyn

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka xaalada degamada Wanlaweyn ay dagantahay kadib iska hor’imaadyo khasaare dhaliyay oo shalay ka dhacay  gudaha degmadaas.

Iska hor’imaadyo xooggan ayaa shalay  duhurkii ka bilaawday gudaha suuqa degmada  illaa iyo wadada laamiga ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay ku dagaallamayeen gacan ku heynta waddooyinka soo gala magaaladda, waxaa hakaday dhaq dhaqaqaaqii ganacsiga degmada Wanllaweyn iyo deegaannada hoos yimaada.

Maleeshiyaadkaasi ayaa markii dambe waxaa u dulqaadan wayaay oo dagaal lagalay dadka deegaanka si ay isaga hor leexiyaan wayna ku guuleystaan in ay iska hor wareejiyaan maleeshiyaad isbaaro dhigatay inaa sadax barood oo gaadiidka ay si sharci daro ah lacagaha ugu qaadi jireen sida uu idaacada Simba u sheegay gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee dhanka Maaliyada C/ftaxaa Xaaji C/dulle.

Maalmihii lasoo dhaafay xiisada colaadeed ayaa ka jiray deegaannada hoos yimaad degmada kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay isbaarooyin soo dhigteen wadada laamiga ah ee afaafka hore ee degmada Wanlaweyn.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here