Xarakadda al-shabaab ayaa ka hadashay Duqeymo habeen hore ka dhacay Deegaanka Kabsuuma ee Gobolka Jubadda hoose.
Warar lagu baahiyay warbaahinta Shabaab ayaa lagu sheegay in wax duqeyn ah aysan ka dhicin deegaanka, oo saldhig ay ku leeyihiin Al-shabaab.
“War ku saabsanaa in duqeyn dad lagu dilay ay ka dhacday degmada Kamsuuma ee Jubbada Hoose oo ay faafisay warbaahinta Afka dowladda ku hadasha ayaa ah mid aasn sal laheyn, majirin wax duqeyn ah oo ka dhacday magaalada Kamsuuma oo dadkeedu ay ku naaloonayaan ammaan iyo kala dambeyn”, ayaa lagu yiri qoralka kasoo baxay l-shabaab
Warbaahinta Soomaalida iyo kuwa kale ayaa Todobaadkaan baahiyay in duqeyn ka dhacday Deegaanka Kabsuuma ee Gobolka Jubadda hoose lagu dilay xubno ka Tirsan Shabaab iyo dagaalyahanadooda.

