Shil khasaaro dhimasho geystay ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Baar Ubax iyo Carwo Idka ee degmada Howlwadaag.
Inta la xaqiijiyay wiil yar oo Da’diisa lagu qiyaasay 13 jir ayaa gaari nuuca Xamuulka ku jiiray goordhaw agagaarka Isgoyska Baar Ubax, goobjooge ayaa Simba u sheegay in wiilkaasi uu kaxeynayay Baasiilka.
Ciidamo katirsan dowladda ayaa goobta gaaray, kuwaa oo hada goobta ka qaaday meydka wiilkaasi.
Daawo Sawirrada Gaariga Jiiray Wiilkaasi Baaskiilka Waday



