Baarlamanka Ethiopia markii ugu horeysay haweyney u magacaabay madaxweynaha waddankaas.
Baarlamaanka waddanka Ethiopia ayaa madaxweynaha cusub ee dalkaasi u magacaabay Sahle-Work Zewde waxa ayna noqoneysaa haweyneydii ugu horeysay ee Itoopiya madaxweyne ka noqota, iyadoo badali doonta Mulatu Teshome oo xilkaasi ka degay.
Haweyneydan ayaa iska soo casishay xilalkeedii wakiilka gaarka ee xoghayah guud iyo madaxa xafiiska qaramada midoobay ee midowga Africa.
Zewde ayaa noqoneysa madaxwenihii afaraad ee uu yeesho waddanka Ethiopia tan iyo sanadkii 1995 waxaana iyada kaga horeeyey xilkaan Negasso Gidada, Girma Woldegiorgis and Mulatu Teshome.
Magaabida haweydan ayaa waxay ku timid codad aan la cayimin waxayna labada aqal ee Ethiopia ugu codeeyeen inay noqoto haweyneydii ugu horeysay ee madaxweyne ka noqota Ethiopia.
Awooda ugu sareysa ee fulinta waxa leh Ra’iisal wazaaraha kaasoo sidoo kale ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, waxa ayna taas ka dhigan tahay in uusan madaxweynuhu laheen awood fulineed waa sida uu qabo sharciga dalka Ethiopia.

