Ogow Cida Dhiseysa Kumanaan Ciidamo Cusub Oo Aan Lagala Tashan Dowladda Soomaaliya

0

Golaha iskaashiga maamul gobaleedyada dalka oo afar maalin shir uga socday gudaha magaalada Garoowe ee Puntland ayaa soo saaray War Murtiyeed ka kooban  15 qodob.

War murtiyeedka kasoo baxay golaha Iskaashiga aya waxaa kamid ahaa in hogaanka golaha uu yeesho ciidamo gaar ah oo gaaraya ilaa 4 kun askari oo maamul walbaa laga rabo inuu keeno ilaa 1,000 Askari.

“In la isku daro ciidmo kamid ah Daraawishta Dowlad Goboleedyada kuwaas oo marka la isku dhafo yeelan doona hogaan midaysan (one Command and Control) kadibna loo isticmaali doono xoreynta deegaamada dalka ee wali gacanta ay ku hayaan Xoogagag mayalka adage e Al shabaab.

“In mudo laba bilood ah Dowlad Goboleed kasta ciidankan isku dhafka ah ku soo biiriyo 1,000 askari si laysula tababaro kadibna si wadajir ah u wada hawlgalaan deegaanada iyo degmooyinka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qaar kamid ah qodobadii kasoo baxay shirka golaha Iskaashiga dowladd gobaleedyada.

Maamul gobaleedyada dalka ayaa waxa ka howlgala ciidamo katirsan kuwa xooga Soomaaliya, kuwaa oo dagaalo toos ah la gala Al shabaab, balse lama oga waxa ay ka badali doonaan ciidamadan cusub dagaalka Al shabaab iyo ciidamada Xooga Soomaaliyeed ee ka howlgala maamul gobaleedyada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here