Xildhibaaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa ka hadlay dhibaatadda Ciidamadda Kenya ay ku hayaan Shacabka ku Nool Gobolka Gedo
Xildhibaan C/laahi Yuusuf Alankee oo Ka mud ah Xidhibaanadda Golaha shacabka ayaa waxaa uu sheegay in ay aad ugu Xun yihiin Dhibaatadda ay ciidamadda kenya ay ku hayaan Shacabka ku nool Gobolka gedo, asigoo sii hadlay ayaaa waxaa uu sheegay in deegaanka fax-fax dhuun oo ka tirsan Gobolka gedo ay 17 kii bishan ciidamadda kenya ku dileen dad shacab ah oo isugu jira caruur Haween iyo dad Da’a ah kuwaasi oo ahaa xoolo dhaqato.
Dhanka kale Xildhibaan C/laahi Yuusif Alankee ayaa Xukuumadda iyo hay’adaha ku shaqadda leh faray in ay wax ka qabtaan Xasuuqa Ciidamada Kenya ka wadaan Koofurta Soomaaaliya.

