War Goordhow naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed loo doortay Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada
Madaxda dowladd gobaleedyada dalka ayaa goordhaw u Doortay Madaxweynaha maamulka Koorfur galbeed Gudoomiyaha golaha Iskaashiga maamul gobaleedyada Soomaaliya.
Shir xasaasi ah ayaaa maalmihii ugu danbeeyay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uga socday madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Soomaaliya, kuwaa oo ka hadlayay arimo fara badan oo ugu badnaa khilaafka ka dhax aloolsan madaxda Dowladda dhaxe iyo kuwa maamul gobaleedyada.
Gudoomiyaha golaha iskaashiga dowladd gobaleedyada waxaa horay u ahaa Madaxweynaha maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.
Lama oga ilaa hada sababta ka danbeysa waxa xiligaan kusoo beegay in gudoomiyaha golaha iskaashiga maamul gobaleedyada Soomaaliya loo doorto madaxweynaha koofur galbeed Shariif Xasan.
Khilaaaf xoogan ayaa ka dhax tolan Mudo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul gobaleedyada Soomaaliya.

