Qaramada Midoobay oo Sheegtay Inay Kordhinayso Taageeradda Ciidamadda AMISOM

0

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa magaalada Nairobi ee dalka kenya  kulan kula qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Kenya, Monica Juma.

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen xaaladda hadda uu ku sugan yahay waddanka Somalia gaar ahaan khilafka siyaasadeed ee ka dhex aloolsan madaxda dowladda federal-ka Somalia iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Wada-hadalada ayaa sidoo kale lagusoo hadal qaaday Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxaana lagu muujiyey muhiimada ay leedahay in lala dagaallamo Xarakada Al-Shabaab oo xiriir la leh Al Qaeda.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Kenya, Monica Juma ayaa ugu baaqay golaha amaanka ee QM inay kordhiyaan adeegyada ay bixiyaan si kor loogu qaado awoodda howgalka  AMISOM, xilli ciidamadda midowga Africa ee AMISOM ay isku diyaarinayaan ka bixitaanka Somalia islamarkaana masuuliyadda amniga Somalia ay doonayaan inay ku wareejiyaan ciidamada qaranka Somalia marka lagaaro sanadka 2020-ka.

Dowladda Kenya ayaa kamid ah dowladaha ay ciidamada ka joogan Somalia qeybtana ka ah ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM waxaana ay cutubyo ka tirsan ciidamadeeda usoo dirtay waddanka Somalia 14-oct- 2011 si ay ula dagaalamaan xarkada Al-Shabaab oo tiro weeraro iyo afduubyo ah ka geystay gudaha waddanka Kenya.

Marka laga soo tago waddanka Kenya waddamada kale ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM islamarkaana ay ciidamada ka joogaan waddanka Somalia ayaa waxay kala yihiin  Uganda, Ethiopia, Burundi and Djibouti.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here