Guddiga Doorashada Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in maalinta bari ah ay dooran doonaan Gudoomiyaha Guddiga iyo Ku-xigeenkisa.
Guddigan ayaa ka kooban 27 xubnood oo ka shan kamid ah yihiin dumar, waxaana dhammaantood ay ka tirsan yihiin xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.
Shiikh Maxamed Nuur kamid ah xubanaha Guddiga ayaa sheegay in maalinta barri ah ay dooran doonaan guddoomiyaha guddigooda, ku xigeenkiisa iyo xoghaya, kaddibna ay qaban doonaan araajida musharraxiinta u tartamaya madaxtinimada K/Galbeed.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay xoogga saari doonaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen musuq maasuqa inta doorashada madaxtinimadu socoto,Islamarkaana musharraxii lagu helo musuq ay sameyn ku yeelan doonto doorashadiisa.
Dhanka kale waxa uu beeniyay Shiikh Maxamed Nuur warar ku aadan in doorashada ay baaqanayso, xili warar arintaas la xiriirta la baahiyay.
Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa 21-kii bishan nmagacaabay guddiga doorashada madaxweymaha maamulka Koofur Galbeed, taas oo qorshu yahay in 17-ka bisha soo socota ay ka dhacdo magaalada Baydhabo.

