Hir-shabeelle oo War Kasoo Saartay Deegaano Muhiim ah oo Shabaab Laga Qabsaday

0

Maamulka Hir-shabeelle ayaa ka hadlay Howlgal Ciidamadda  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ay kula wareegeen Deegaano u dhaxeeya Goboladda Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Cabdi weli Maxamed Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamadda huwanta ay la wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

“Waxaa Saaka Degmada jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan kasoo baxay Ciidammo ka tirsan Xoogga Dalka iyo Masuuliyiin ka socda Maamulka Degmada uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada waxaana la socday ciidammada AMISOM gaar ahaan kuwa Hiil-walaal, waxay howlgal kula wareegeen Deegaanka Fiidow, iyadoo aysan jirin wax iska hor imaad ah oo ay kala kulmeen Shabaab”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Hir-shabeelle.

Dhanka kale waxa uu sheegay  in hada Xaalada Fiidow ay degan tahay iyadoo shacabka ay soo dhaweyn balaaran u sameeyeen Ciidammada Xoogga dalka iyo wafdiga la socda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here