General Cabdiraxmaan Tuuryare oo Hambalyo u direy dhamaan Ciidamada Hay’ada Nabad Sugida

0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya  General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa  hambalyo udiray Ciidamada iyo hawl-wadeenada Hay’adda,  Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka kadib sanadguuradda 46-aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay. Hay’ada Nabad sugida.

General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo maanta warbaahinta kula Hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhamaan ciidamada Hay’ada nabada Sugida iyo sirdoonka qaranka ay ku guuleysteen waxyaabo badan.

Waxa uu Tilmaamay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya  Tuuryare ay dhamaan in la Burburiyay Shabakado  ka hawlgalayay meelo badan oo ka mid ah dalka soomaliya kuwasoo u shaqeynayay xarakada al-shabaab.

Dhanka kale waxa uu sheegay in sanadkaan cusub ay Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ay Rajeynayso in ay gaarto guulo waa weyn oo lagu burburinaayo xarakada al-shabaab waa siduu hadalka u dhigay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here