Ciidamo Gaashaan Buur Ah Oo La Wareegay Deegaan Muhiim U Ahaa Al Shabaab (Akhriso)

0

Cutubyo katirsan ciidamada Xooga Soomaaliya oo garab  ka helaya saraakiil cadaan ah Military-ga Dowladdaha Burundi Jabuuti ciidamada Maamulka Hirshabeelle ayaa howlgala qorsheysan ka fuliyay Deegaano iyo Tuulooyin kala qeybiya xadka Gobolada Shabeellaha Dhaxe Iyo Hiiraan ee Soomaaliya.

Taliska ciidamada Dowladda ee gobalka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ciidamada Xooga ay ku gaareen deegaanada & Tuulooyinka Maquudaale, Killiga Shiinaha, Dhiin Garas, iyo deegaanka Fiidow, oo horay ay ugu sugnaayeen ciidamo katirsan garabka Alqaacidda Soomaaliya ee Xarakada Al shabaab.

Ciidamada Huwanta ayaa markii ay gaareen deegaanka Fiidow, waxaa ay iskugu yeereen dadka deegaanka oo mudo sanada badan ay maamulayeen Xoogag katirsan  Al shabaab ka Soomaaliya.

Majirto cid ka madax banaan Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo xaqiijin karta warkaasi.

Hogaanka iyo garabka warbaahineed ee Xarakada Al shabaab wali wax war ah kama soo bixin oo ku aadan ciidamada huwanta ee la sheegay iney la wareegeen deegaano Xarakada ay maamuleysay.

Dhanka kale marka laga tago la wareegitaanka deegaanka Fiidow ee dhanka gobalka Hiiraan oo maanta ay gudaha u galeen ciidamo gashaan buur ah oo ka kala socda dowladdaha Burundi Jabuuti Saraakiil Cadaan ah iyo cutubyo katirsan Ciidamada Xooga dalka , faaido ceynkee ayuu leeyahay deegaanka?.

Deegaanka Fiidow oo ku yaal xadka kala qeybiya gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa ah deegaan muhiim u ahaa Xarakada Al shabaab iyo maamulada dowladda ee marba gacabta cid ay u galeysay, waxuu sido kale deegaanka qani ku yahay beerashada nuucyada dalaqyada kala duwan ee dalka, waxuuna xaduud la leeyahay 2-da gobal Hiiraan iyo Sh/dhaxe oo caan ku ah wax soo saarka beeraha.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here