Faah-faahin:-40-ruux oo Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Magaaladda Laascaanood

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay labo Maleeshiyo beeleed oo shalay ka dhacay deegaanka Dhummay oo dhacda koonfurta Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

Dagaalka oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa bilowday shalay galinkii dambe wuxuuna soo gaaray ilaa maqribkii xalay.

Inta la xaqiijiyay 40 ruux ayaa dagaalkaasi ku dhintay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ah dhinacyadii dagaalamayay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya deegaanka dhummay ayaa ku waramaya in xaaladda ay saakay dagan tahAy,islamarkaana dhinacyadii dagaalamay ay wali is horfadhiyaan.

Maamuladda Puntland iyo Somali-land oo dagaalkaan ka hadlay ayaa midba midka kale waxa uu ku eedeeyay hurinta dagaalka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here