Wasaaradda Amniga oo Ka Hadashay Kooxo Gacanta Lagu Dhigay Muqdisho

0

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Howlgalo maalmihii dambe laga sameeyay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya C/naaasir Saciid Muuse ayaa sheegay in howgaladii ugu dambeeyay ee Magaaladda laga sameeyay lagu qabtay rag burcad ah oo haatan ku xiran qaar kamid ah xabsiyadda.

Waxa uu sheegay eedeysanayaasha gacanta lagu hayo dhawaan loo gudbin doono Hay’adaha garsoorka dalka si cadaaladda loo marsiiyo.

Dhanka kale waxa uu sheegay in wasaaradda amniga Soomaaliya ay xil iska saartay Sugidda amniga magaaladda Muqdisho,kadib markii shacabka ay usoo gudbiyeen dhibaatooyin ay kulmanayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here