Kooxo Hubeysnaa ayaa goordhaweyd Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa ay ku dileen Wiil dhalinyaro ahaa.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal rag ku hubeysnaa bastooladdo ayaa gudaha u galay Dukaan dharka lagu tolo oo ku yaala Degmadda Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.
Kooxda hubeysaneed ayaa toogatay wiil dhalinyaro ahaa oo kamid ahaa dadka ka shaqeeya xaruntaasi, iyadoo markaas kadib ay baxsadeen.
Falkaan ayaa ka dhacay xarunta ganaacsi oo u taalla suuqa Xamarweyne, gaar ahaan Via Roma, waxaana goobta markii dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga Dowladda Soomaaliyaoo baaritaan sameeyay.
Mudooyinkii dambe waxaa Magaaladda muqdisho kusoo batay dilalka qorshaysan,iyadoo hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya ay shegeen in ay la dagaalamaayan ragaas caadeysatay dhibaateynta shacbaka.

