Saraakiil sar sare oo ka tirsan howgalka midowga Africa ee Somalia (AMISOM) ayaa muqdisho ku yeelanaya kulan dib loogu eegayo howlaha amaan ee waddanka dhaca geeska Africa ee Somalia. Waxa uuna kulankaan imaanayaa kahor inta aan la qaban dhamaadka bishaan shirka waaxaha difaaca.
Kulankaan waxa uu sii sahminayaa qaabka xaaladdan kala guurka ah ay ciidamada howgalka midowga Africa ugu wareejinayaan amniga dalka ciidamada qaranka soomaliyeed.
Waxybaha kasoo baxo kulankan aya waxa ay gogol xar u noqon doonaan shirka dhici doono daba yaaqada bishan waxa ayna qeyb ka noqon doonaan Agenda-yaasha sida dhabta ah looga hadli doono shirkaas.
“shirkan waxa uuna siinayaa fursad aan isku dhaafsano iskuna barbar dhigno fikradaheena inagoo waafajineyno boosaskeyna kahor shirweynaha waaxaha difaaca ee dhamadka bishan.,” sidaas waxaa yiri taliyaha ciidamada AMISOM Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, oo hadlay intii lagu guda jiray furitanka kulanka.
Gen. Owoyesigire ayaa xusay in kulankan uu dhacayo iyadoo ay jirto xaalad xasasi marka ay ciidamada howgalka ay hirgelinayan qorshaha kala guurka ooh ore looga dooday isla markaana ay ka heshiiyeen AU Mission, the UN, the Federal Government of Somalia and development partners.
“tani waa fursad inoo qaas ah oo nasoo martay inaga si aan uga doodno una falanqeyno waxa dhacaya, waana idinkaga mahad celinayaa sida wanagsan ee aad u shaqeyseen. Taliyaha ciidamada AMISOM aya sidaas u sheegay dhamaan taliyeyaasha kale ee ciidamada AMISOM.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu ay howlgallo ka fuliyeen deegaano Qatar ah, islamarkaana saraakiishu ay si wanaagsan u maamuleen howlgallada ka dhanka ah AL Shabab oo ay ka xureeyeen goobo badan oo ay hadda mamulaan millitariga.
Taliyaha ayaa si dareen leh uga codsaday wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somalia, Ambassador Francisco Madeira, kaasoo ku celceliyey xaaladdan kala guurka ah inuu dardar geliyo fulinta qqorshahan kala guurka ah.
Ambassador Madeira ayaa ku booriyey taliyeyaasha qeybta inay la yimaadaan qorshooyin xoogan oo wax ku ool ah kuwaasoo hoos u dhigi kara awoodda Al-Shabaab.
“kulanku waa in aan wax wadaagno kaliya ma ahan waxa aad dhab ahaan u qaban kartid marka side ayaan u gudbin doona waxa nalaga filanayo inaga,” Madeira said.
Iyadoo qayb ka ah hirgelinta Qorshaha Kala-guurka, madaxa AMISOM wuxuu xusay, in Howlgalka Midowga Afrika loo xilsaaray inuu ilaaliyo aagagga dhowrka ah ee ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, oo ay ku jiraan Jidadka muhiimka ah.
“Habka kaliya ee ku-meel-gaarnimada waa in la xoojiyo amniga iyo in la helo awood oo ay ciidamada Soomaalida kor u qaadaan awoodooda ilaa heer la aqbali karo, ka dibna lagu wareejin karo waajibaadka amniga ka hor inta aan laga saarin dalka howlgalka Amisom,” ayuu yiri hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Ambassador Francisco Madera.

