Guddiyada joogtada ah Baarlamaanka oo Wabixino ka dhageystay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalk

0

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho kulan waxyaabo badan  loogu Hadlay ku qaatay guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Iyadoona kulanka warbixino loogu dhageystay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya

Kulanka guddiyada joogtada ah Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa shir Gudoominaayay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaliya Maxamed sheikh cusmaan jawaari iyadoona guddiga  Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya ay kusoo bandhigeen waxyaabo badan oo u qabsoomay mudadii uu jiray gudiga,

Xoghayaha guud ee Golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa sheegay in guddiyada joogtada ah Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ay warbixin ka dhageysteen Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya

Dhanka kale kulanka guddiyada joogtada ah Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Ayaa lagu soo hadal qaaday kulanka maalinta bari ah ka furmi doona Magaalada kismaayo kaasi oo loogu hadlaayo nooco doorasho ee soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here