Shirkii Golaha Iskaashiga Dowladd Goboleedyada oo Ka Furmaya Garoowe+Sawirro

0

Shirkii afaraad ee Golaha iskaashiga Dowladd goboleedyadda dalka ka jira ayaa maanta galinka dambe ka furmaya Magaaladda Garoowe ee Caasimadda  Puntland.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya afarta Madaxweyne ee kala ah Puntland oo marti loo yahay, Galmudug, Koonfur Galbeed Soomaaliya, Iyo Jubb-land.

Balse waxaa shirka laga saaray Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan la heshiiyay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka u amba baxay magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad-goboleedka Puntlaand,waxaaaana garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo ku sagootiyay qaar ka mid ah Mas`uuliyiinta Jubbaland.

Dhanka kale Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Galmudug ayaa iyana lagu wadaa in ay galabta gaaraan Magaaladda Garoowe.

Shirkaan ayaa socon doono muddo 3-maalin ah waxaana loogu hadli doonaa Siyaasadda guud ee dalka, iyo Hiigsiga doorashada 2020.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here