Ciidamo La Wareegay Wadada Gasha Madaxtooyada ee Magaaladda Garoowe.

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa ku waramaya in Ciidamo  ka Tirsan kuwa Maamulkaas oo ka cabanaya Mushaar la’aan ay la wareegeen Wadada gasha Madaxtooyada ee Magaaladaas.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan Magaaladda Garoowe waxaa saakay go’an wadadaas,waxaana loo diidayaa dadka iyo gaadiidka in ay maraan.

Ciidamadda goodadka sameeyay ayaa ka cabanaya mushaar la’aan 7-bilood ah,aysan ka helin Madaxda maamulkaas.

Gadoodka ciidanka madaxtoyada Puntland ee mushaar la’aanta la xiriira ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta filayo in Magaaladda Garowe soo gaaraan madaxda dowladd goboleedyada ka qayb gali lahaa Shirka madaaha maamul goboleedyada markii u horaysay Garoowe ka lagu qaban lahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here