Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerar dabagal ahaa ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.
Shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaan uu ka dhacay Magaaladda marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ,islamarkaana jidka loo galay Ciidamo AMISOM ah oo gurmad u ahaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo weerar lagu qaaday.
Warbaahinta Shabaab warar lagu baahiyay ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 12-askari oo Ka Tirsanaa Ciidamadda Uganda ahaa.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka gobolka Shabeelaha hoose.

