Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka dhawaajiyey in dowladda Kenya aysan ciidamadeeda kala bixi doonin Somalia ilaa inta uu waddanka ka helayo Nabad, Xasilooni, iyo Amaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada difaaca Kenya ay sii joogi doonaan Somali kana sii mid ahaan doonan howgalka nabad ilaalinta ee Amisom ilaa iyo inta laga guul gaarayo kooxaha kasoo horjeedo nabadda wadanka.
“waxan imanay Somalia sanadkii 2011, Waana sii wadan doonaa joogitankeena waddanka inta dib si buuxda loogu soo celinayo amaanka Somalia”, Ayuu yiri mr Kenyatta.
Madaxweyne Kenyatta ayaa hadalkan ka sheegay intii ay socotay munaasabadii 7aad ee maalinta ciidamada difaaca Kenya oo ka dhacday Gilgil, oo ka tirsan gobolka Nakuru County.
Maalinta KDFayaa loo calaamadeeyey in dib loogu xasuusto halyeeyadii ku geeriyooday difaaca waddanka iyagoo u dagaalamaya madax banaani iyo in la helo Nabad iyo xorriyad.

