Labadaan Gabdhood oo Soomaalida ahaa ayaa la la’aa tan iyo Jimcihii waxaana la helay iyagoo Meyd ah halka baabuurki ay wateen laga helay Haro ku taalla duleedka Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.
Hablahan Soomalida ah ayaa la sheegay in geeridooda ay ka dambeysay kadib markii gaari ay wateen uu ka dhacay Haro ku taalla duleedka magaalada Minneapolis.
Gabdhahan ayaa isku qoys ahaa waxaana lagu kala magaacabi jiray Seynab Cabdla iyo Xafsa Cabdi waxaana da,dooda lagu sheegay 19-sano jir sida ay xaqiijiyeen ehelda gabdhahan
Midkamid ah gabdhaha ayaa meydkooda la helay halka mida kalana wili la baadi goobayo waxana socda baaritaano lagu ogaanayo qaabka uu shilka u dhacay.
Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa aad uga murugooday dhacdadan, waxayna booliska ka dalbadeen in arrintan baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo.
Ehelada qoyskan ayaa xaqiijiyay in habenki Jimcaha ay shaqo aadeen tan iyo maalintaasina labaadi goobayay waxaana haatan la helay iyagoo meyd ah.

