Al-Shabaab oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Kenya ay Ku Leeyihiin Ceel-waaq

0

Wararka ka imaanaya Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamadda Kenya ay ku leeyihiin Degmadaas.

Weerarkaan ayaa dhacay xalay Saqdii dhexe,waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamo katirsan Al Shabaab ayaa weeraro xooggan ku qaaday deegaanka Buusaar oo ay ku sugan yihiin ciidamo Kenyaan iyo Soomaali ah.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Dhanka kale markii uu dagaalku soo gaba gaboobay ayay ciidamada Kenya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga ukaca waxay duqeeyeen dhulka Howdka ah ee ku hareeraysan Buusaar ,waxaana la sheegay in duqeynta lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here