Madaxweyne Soomaaliya oo Gaaray Magaaladda Marka+Ujeedkiisa

0
madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta gaaray Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiiro, Taliyayaal Ciidan, iyo Xildhibaano ayaa ku wehlinaya Madaxweyne farmaajo socdaalkiisa Magaaladda marka, oo dhawaan laga saaray Ciidamadda Xarakadda Al-shabaab.

Madaxweyne farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay magaaladda Marka waxa uu kulamo la qaadan doonaan Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha ee Xasuuqii Maanta oo kale 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshadda magaaladda marka ku dhaqan, isagoona kala hadlaya xaaladihii ugu dambeeyay ee Magaalada.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay in ay magaaladda ka saaraan Al-shabaab oo maamulayay sanado badan.

Dhanka kale dhawaan waxaa la kala qaaday Maleeshiyo beeleed lix sano isku hor fadhiyay gudaha Magaaladda Marka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here