Maxkamada CQS oo Toogasho Ku Fulisay Mid Kamid ah Ragii Loo Soo Qabtay Qaraxii Zoobe

0

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, ayaa saakay xukun dil toogasho ahaa ku fulisay Xasan Aadan Isaaq Cali, oo kamid ahaa ragii loo soo qabtay masuuliyada qarixii lagu lagu dhamaaday ee isgoyska Zoobe.

Xasan ayaa lagu qabtay isagoo wata gaari NOHA-ah oo ay saarnaayeen walxaha qarxa,daqiiqado kadib markuu dhacay qaraxii Isgoyska Zoobe.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa xaqiijiyay toogashadda lagu fuliyay mid kamid ahaa ragii ka dambeeyay qaraxii Isgoyska Zoobe.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa  xukun dil toogasho ahaa ku riday Xasan bishii February 6, 2018, kaasi oo lagu eedeeyay in uu wax ka ogaa qaraxii Isgoyska Zoobe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here