Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah Wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Wadadda KM4 ilaa Isgoyska Zoobe ayaa xiran,waxaana halkaasi lagu arkayaa Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaadiidka u diidaya isticmaalka Wadadaas.
Amaanka isgoyska Zoobe iyo guud ahaan Makka Al mukarama ayaa la adkeeyay,halkaas oo ay tagi doonaan Madaxda Dowladda federaalka Soomaliya,waana halkii uu ka dhacay qaraxii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca.
Waxaa la sheegay in salaadd Janaaso ah lagu tukan doono isgoyska Zoobe taasi oo ay ka qeyb galayaan Boqolaal ruux iyo Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaraxii Isgoyska Zoobe maanta oo kale sanadkii 2017-kii, ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 600-qof,mana jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa.

