Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Howlgal ka sameeyay Magaaladda Muqdisho.
Howlgalka oo ahaa mid qorshaysnaa ayaa ka dhacay Xaafadaha Degmadda Dharkinley ee Gobolka banaadir.
Ujeedka howlgalka ayaa ahaa beegsiga ragga burcadda ah oo dhibaatooyinka ku haya shacabka Magaaladda ku nool.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degmadda, intuu howlgalka socday ayaa la qabtay ilaa 5-ruux oo labo kamid ah ay hubeysnayeen.
Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waday Howlgal ay kula dagaalamayeen ragga burcadda ah.
Intii howlgalada ay socdeen ayaa lagu dilay qaar kamid ah ragga burcaddaah, falkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay agagaarka Maalin Taajir, gudaha Suuqa Bakaaraha.

