Xildhibaan Ugu Baaqay in Shacabka ay Soo Sheegaan Al-shabaab+Dhageyso

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in laga hortago khatarka Xarakadda Al-shabaab.

Jeesow oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Shabaab ay usoo jeesteen leynta Shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya loogu baahan yahay in ay dhabar gooyaan.

Dhanka kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in Dowladda ku taageeraan soo sheegista ragga ka tirsan Al-shabaab, si loogu tago goobaha ay ku sugan yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal aan dhamaad laheyn wali kula jirta Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab,oo wali ku xoogan qaar kamid ah goboladda dalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here