Yaa Ka Danbeeyay Odayaal Laga Afduubtay Gobalka Mudug + Dhageyso

0

Warar kala duwan ayaa laga helayaa ciidamo katirsan Al shabaab oo deegaanada Caad iyo Ceelcabdi ka kaxeystay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka gobalkaasi.

Odayaasha ciidamada Al shabaab ay wateen ayaa gaaraya ilaa 4 oday oo kamid ah dubabka deegaanada dhaca koofurta gobalka Mudug, sababaha ka danbeeyay xiritaankooda ayaa lagu sheegay iney ka dhaga adeegeen lacagaha Xoolaha Zakawaadka Al shabaab ay ka aruuriyaan dadka ku dhaqan gobalada dalka.

Al shabaab ayaa la sheegay in odayaashaasi ay la aadeen dhanka degmada Xaradheere oo gacanta ay ku hayaan Xoogag katirsan Alqaacidda Soomaaliya ee Al shabaab.

Wali wax war ah kama soo bixin Xarakada Al shabaab ee Soomaaliya

Dhageyso: Codka Wariyaha Idaacada Simba Ee Gobalka Mudug

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here