Maamulka gobalka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay Rag uu ku sheegay iney katirsan yihiin Al shabaab oo gacanta ay kusoo dhigeen ciidamada amaanka maamulkaasi.
Gudoomiye ku xigeenka gobalka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in maamulka uu gacanta ku hayo 7 dagaalyahan oo katirsan Al shabaab iyo hubkii ay wateen.
Mudane Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay ragan in laga soo qabtay inta u dhaxeysa Luuqjeeloow iyo Magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan bartamaha Soomaaliya.
Majirto cid xaqiijin karta warka kasoo baxay maamulka, maadama wali aysan Al shabaab ka hadlin.
Dhageyso Codka: Gudoomiye Ku Xigeenka G/Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle

