Guddoommiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa xalay kormeer ahaan ku tagay Xaafado katirsan Degmada Yaaqshid ee Magaalada Muqdisho.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxaa uu tagay Garoon Dhallinyaradda Degmadaasi ay Kubadda Cagta ku ciyaari jireen balse ay xireen Al Shabaab, kadib markii ay lasoo xiriireen maamulka garoonkaasi kubadeed.
Gudoomiye Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa sheegay in hada laga billaabo uu furan yahay Garoonku isla markaana ay ku Ciyaari karaan Dhallinyarada.
Su’aasha taagan ayaa ah mar hadii awood lagu soo furay garoon ku yaal Yaaqshid, maxaa hor taagan in gudoomiye tuulax uu soo furo garoomada kale ee ku yaal Xeendaabka Villa Soomaaliya ee Al shabaab horay uga macnuuceen in kubada Lagu ciyaaro.
Garoomo waaweyn ayaa wali xiran oo dhexyaal Beerta Nabada oo ah irida Madaxtooyada, Kuwo ka soo horjeeda Hotel Maka Al-Mukarama iyo kuwo badan oo ku yaal 17-ka degmo ee gobalka Banaadir.
Maamulka gobalka Banaadir hadii awood ay kusoo fureen garoomadaasi, waxaa la is weydinayaa yaa qaadaya amaanka maamulayaasha Garoomadaasi.

