Faah faahin: Duqeymo Lagu Garaacay Deegaano Ay Maamulaan AL shabaab

0

Faaah faahino hor dhac ah ayaaa kasoo baxaya Diyaarado Dagaaal oo duqeyn Xoogan ka fuliyay deegaano katirsan Gobalka Gedo.

Wali lama garan halka laga leeyahay Diyaaaradahaasi Dagaaal ee Duqeyn khasaare dhalisay ku garaacay deegaanka Dhiigtaar oo u dhow tuulo Barwaaqo ee Gobolka Gedo Bartama Soomaaliya.

Goob-gayaal ku sugan deegaanka Dhiigtaar ayaa Idaacada Simba  u Xaqiijiyey inay Maqleen dhawaaqa Madaafiic Culus oo ay Ridayaan Diyaarado dagaal oo Nuuca Qumaatiga u Kaca ah Islamarkaan Madaafiic ku Garaaca Deegaanada oo ay gacanta ku hayaan  Xoogag Katirsan Xarakada Al shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Gedo oo aan Xiriir la Sameynay ayaa Idaacada Simba u Xaqiijiyey Duqeytaasi, balse waxa ay ka gaabsadeen iney faah faahin dheeri bixiyaan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya xaalada deegaanka saakay inuu yahay mid kacsan, maadama ay jiraan shacab ku dhintay duqeyntaasi oo aan ilaa hada ku howlanahay helitaanka Xog dhameystiran.

Waxii kusoo Kordha La Soco

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here