Cali Gacal Casir oo Ka Hadlay Doorashada Ka Dhacday Magaaladda Dhuusa-mareeb

0
Gudoomiyaha baarlamaanka Maamul Gobaleedka Galmudug Cali Gacal Casir

Cali Gacal Casir Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Magaaladda Dhuusa-mareeb.

Waxa uu sheegay in doorashadaas ay maqleen,islamarkaana dhankooda ay dhawaan diyaarin doonaan guddiga doorashadda madaxweynaha, Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Dhanka kale waxa uu sheegay Cali Gacal in waxa ka socda Magaaladda Dhuusa-mareeb ay yihiin wax lagu burburinaayo Midnimadda Shacabka Dowladd Goboleedka Galmudug,islamarkaana koox yar ay doonayso in ay la wareegto taladda.

Hadalka Cali Gacal Casir Gudoomiyihii Xilka Laga qaaday ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa kusoo aadaya xili shalay magaaladda Dhuusa-mareeb lagu doortay Gudoomiye cusub kaasi oo noqday Ismaaciil Cabdulle Axmad oo helay 93 cod.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here