Madaxweyne Waare oo Wada Kulamo Lagu Kala Furfurayo Xildhibaanada Mooshinka

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe ay kulamo la qaateen Xildhibaanadda Mooshinka.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda Maamulka Hir-shabeelle ee Magaaladda Jowhar ayaa loogu hadlay sidii loo xalin lahaa arinta mooshinka laga keenay Madaxweyne Waare oo lagu eedeeyay in uu ku fashilmay Hogaaminta Hir-shabeelle.

Qaar kamid ah Xildhibaanadda taageersan madaxweyne Waare ayaa inoo sheegay in la qanciyay qaar kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka waday, balse ay jiraan Xildhibaano kale oo ka biya diidan inay ka laabtaan Mooshinkan.

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle ayaa shalay safar deg deg ahaa ku tagay Magaaladda Jowhar,kadib markii habeenkii sabtida aheyd guddoonka baarlamaanka maamulkaas uu qabtay Mooshin laga keenay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here