Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xalay Magaaladda Baydhabo ku dhexmaray Xubno ka socda Dowladda Soomaaliya iyo Shiikh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur).
Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen iyo Gudoomiyaha Guddiga amniga ee Golaha Shacabka Fowziya Maxamed Sheekh, iyo xubno kale ayaa shalay galinkii dambe gaaray Magaaladda baydhabo.
Dowladda Somaliya, ayaa Rooboow ka dalbatay inuu yimaado Magaaladda Muqdihso, si looga wada hadlo arinta Musharaxnimadiisa, balse Rooboow ayaa arintaa iska diiday.
Wadahadal shalay galinkii dambe bilowday, ayaa soo gaaray saqdii dhexe ee xalay.
Waxaa lagu balamay in maanta mar kale ay kulan yeesheen labada dhinac kaasi oo loogu hadlaayo in Roobow uu ka Tanasulo Musharaxnimadiisa Xilka madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.
Roobow ayaa iska diiday in ka tanasulo Musharaxnimadiisa Xilka Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna sii wataa ololihiisa doorasho.
Dhanka kale Magaaladda baydhabo waxaa shalay aad loo hadal hayay in Roobow dowladda xiri doonto,waxaana arintaan ka hor yimid taageerayaashiisa,waxayna Wafdiga Dowladda u diideen in ay magaaladda soo galaan.
Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Eelaay, ayaa markii danbe taageerayaasha Rooboow ku qanciyay iney isdajiyaan, Taliyaha NISA u socon xirida Abuu Mansuur, balse wadahadal u tagay Baydhabo.
Shiikh Roobow ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay Musharaxnimadiisa,wuxuuna kusoo bandhigay xafladda Warqado cadeynaya in Booliska Aduunka aysan baadi goobaynin, maadaama uu tagay dalalka; Kenya, Turkiga, Kuwiat iyo Sucuudiga oo uu laba jeer tagay, waxayna taasi meesha ka saartay hadalka Dowladdda oo ah in xayiraad saaran tahay.

