Akhriso:-Al-shabaab oo U Digay Dalladaha Waxbarashada Dalka Ka Jira

0

Xarakadda Al-shabaab  ayaa digniin culus u jeedisay Dalladaha Waxbarashada dalka ka jira.

Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali dheere, Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlayay munaasabad lacago sako ah lagu gudoonsiinayay boqollaal ruux oo reer Muqdisho ah ayaa ugu baaqay dalladaha waxbarashada iyo goobaha waxbarashada iney iska ilaaliyaan iney xiriir la sameeyaan dowladda federaalka.

Waxa uu sheegay in ay la socdaan in xiriir wanaagan uu ka dhaxeeyo qaar kamid ah Daladaha waxbarashadaa, iyo Wasaarada waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha waxbarashada ayuu sheegay Cali Dheere manaahijta waxbarasho ee ka hor imaanaya diinta islaamka  ay faafiso.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay  Cali Dheere in talaabo ay ka qaadi doonaan cidii ka hor imaada amarka kasoo baxay Xarakadda Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here