Magaaladda Muqdisho waxaa xalay ku geeriyootay Shamsa Xuseen Shumey oo ka mid ahayd fanaaniinta ugu caansan dalka,gaar ahaan Hoboladda Waabari.
Allaha u naxariistee Shamsa ayaa mudooyinkii dambe xanuusananeyd,waxayna Xijaabtay Xalay saqdii dhexe sida ay inoo xaqiijiyeen Eheladeeda.
Shamsa Xuseen Shumey mudadii ay ku jirtay Fanka waxa qaaday heeso dhowr ah,kuwaasi oo isugu jiray Jaceyl, Wadani iyo kuwa kale.
Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Magalada Muqdisho.

