H.E Mohamed Abdullahi Salaad (Oomaar) Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sucuudida ugu qeyb galay Shirka Aasaaska Amniga Hawada Dawladaha Carabta (Regional Aviation Safety Oversight Organisation).
Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda oo Kulamo gar gaar ah la yeeshay Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Saudi Arabia Nabeel bin Mohammed Alamudi iyo madaxa Shirkadda Saudi Airlines ayaa kulankooda uga hadlay iskaashi labada dal ee dhinaca Duulista.
Mudane Mohamed Abdullahi Salaad Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS iyo Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Saudi Arabia Nabeel bin Mohammed Alamudi ayaa ugu dambeyn labada dowladood u kala saxiixay heshiis ku saabsan iskaashi dhinaca duulista Hawada labada wadan.
Sucuudiga ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,waxaa sidoo kale ay kamid tahay wadamada xiriirka dhinaca Diplomaasiyadda la leh Dalka Soomaaliya,kaasi oo ahaa mid soo jireen ah.



