Wasiirka Amniga Maamulka koonfur Galbeed oo Kormeeray Goofgaduud

0

Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) ayaa galabta gaaray deegaanka Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baay oo todobaadkaan ay la wareegeen Al-shabaab.

Wasiirka waxaa kormeerkiisa ku wehlinayay Saraakiil Ciidan iyo xubno kamid ah Maamulada Baay, Kan baydhabo, Wuxuuna la kulmay Maamulka Goofgaduud Buurey, Waxa uu sidoo kale warbixino ka dhageystay askarta ku sugan Deegaanka.

Ujeedka kormeerkaan ayaa lagu sheegay sidii loo dhiiragelin lahaa Niyada Ciidanka Koofur Galbeed ee ku sugan deegaanka oo Labadii maalin aynu soo dhaafnay ay joogeen Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here