Xasan Shiikh Maxamuud oo Qeyb Galaya Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya

0

Waxaa goordhaweyd furmay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 10-aad ee Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankaan oo uu shir gudoominayo gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa waxaa ka qeyb galaya 173 Xildhibaan.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya  ayaa labo sano kadib ka qeyb galaya kulanka Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah ka doodista xeer hoosaadka Xildhibaanadda Baarlamanaka Soomaaliya, oo maalmihii dambe ay ka doodayeen.

Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu aragti ka dhiibto ka doodista xeer hoosaadka baarlamaanka Somaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here