Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegtay in ismiidaamintii maanta ka dhacday Degmadda Deyniile ee Magaaladda Muqdisho ay ku dileen Afar Sarkaal oo Talyaani ahaa.
Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidamada Al Shabaab ayaa shir Jaraa’id ku sheegay in qaraxii maanta ka dhacay wadada Warshadaha ay ku dileen 4 sarkaal caddaan ah oo katirsanaa Ururka Midowga Yurub.
“Muqdisho maanta weerar ismiidaamin ahaa ayay Mujaahidiintu la eegteen kolonyo melleteri oo ka socotay waxa loogu yaqaan Midowga Yurub gaar ahaan Talyaaniga,kolonyadaas waxay mareysay Jidka warshahadaha halkaas ayuu mujaahid istish-haadi ah wuxuu beegsaday gaari kolonyadi katirsanaa dhammaan gaarigaas meeshaas ayuu cardiiqaha ku noqday oo wax dhaawac ah majiraan halkaas ayayna ku halaagsameen tirada ka dhimatay inta aan xaqiijinaya waa 4 sarkaal talyaani ah” ayu yiri Abuu Muscab.
Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay tababar iyo taageero siinayaan isbaheysiga AMISOM ee Soomaaliya kusoo duulay iyo Ciidamadda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ma Jiro ilaa haatan wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo qaraxii maanta ka dhacay dhacday Degmadda Deyniile ee magaaladda muqdisho.

